Xeerka Jaaliyadda Puntland ee magaaladda Göteborg
§ 1. Magaca jaaliyadda
- Jaaliyadda Puntland ee Göteborg
§ 2. Qaabdhismeedka jaaliyadda
- Jaaliyad u adeegta danta guud.
- Jaaliyad u adeegeysa dhammaan bulshada soomaliyeed ee deggan magaalada Göteborg iyo agagaarkeeda.
- Jaaliyad ka madaxbanaan midabtakoorka, jinsidiidka iyo qabyaaladda.
- Jaaliyad hawlaheedu ku saleysan yihiin hidaha iyo dhaqanka wanaagsan.
§ 3. Xarunta Jaaliyadda
- Xarunta jaaliyadda waa magaaladda Göteborg.
§ 4. Dadka uu ku jahaysan yahay
- Bulshadda soomaaliyeed ee dagan magaaladda göteborg iyo agagaarkeeda.
§ 5. Hadafka Guud ee Jaaliyadda
- Horumarinta, u adeegidda iyo Adkeynta midnimada bulshada soomaaliyeed.
§ 6. Ujeedooyinka jaaliyadda
- · Wax ka qabashada dhibaatada qoysaska soomaaliyeed kala soo darista dhinaca hayadaha dawliga iyo kuwa aan dawliga aheyn.
- · Dhiirigelinta dhaqanka toosan, wacyigelinta dhalinyaradda iyo ka hortegidda dambiyadda dhalinyaradda soomaalida galaan.
- · Ilaalinta xuquuqda dhibanaha soomaaliyeed ee deggan magaaladda Göteborg.
- · Jaaliyaddu waxay boorineysaa ka qaybgalayaasha tartanka siyaasadeed ee dalkan Iswidhan mid:degmo, gobol iyo mid qaran.
- · Xiriirinta hayádaha dawladda iyo bulshada reer Puntland ee ku dhaqan magaaladda Göteborg.
- · Agaasimidda munaasabadaha malmaha qadarinta ku leh bulshada soomaaliyeed.
- Isku xirka iyo adkeynta xiriirka bulshada reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Göteborg iyo magaalooyinka kale ee deriska la ah.
- · Martigelinta iyo soo dhoweeynta masuuliyiinta ka socota dawlad goboleedka Puntland.
- Jaaliyad matasha bulshada ku dhaqan magaaladda Göteborge ee ka soo jeeda Puntland.
- · Abuuridda xiriir ka dhaxeeya hayadaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga aheyn ee dalkan iswidhan iyo Puntland.
- · Wax ka qabashada iyo xal u helida xaaladaha adag sida abaaraha iyo colaadaha.
- · Ka qaybqaadashada mashruucyada horumarineed ee ka socda degaamada Puntland.
§ 7. Xubinimadda ururka
- Qof kasta oo u hogaansan xeerka jaaliyadda wuu ka mid noqon karaa jaaliyadda.
- Qof kastoo bixiya dhigaalka xubinnimada, wuxuu xaq u leeyhay inuu cid doorto ama la doorto.
- Ogolaanshaha codbixinta xubinta waxaa xadaynaya wakhtiga bixinta dhigaalka, kaa soo noqonaya 3 bilood ka hor inta aysan xubintu doorashadda ka qaybqaadan .
- Dhigaalka xubinnimada waxaa la bixinayaa hal mar sannadkii.
§ 8. Kulamada caadiga ah ee jaaliyadda
- Golaha dhexe ee jaaliyadda waxay kulankooda caadiga ah yeelan doonaan bil walba mar oo ah sabtida bisha ugu dambeeyso.
- Kulanka caadiga ee golaha dhexe ee jaaliyadda wuxu ansax yahay marka ay joogaan ugu yaraan 50% xubnaha golaha dhexe ee jaaliyadda.
- Halka hogaanka jaaliyaddu uu yeelan doono kulamadiisa caadiga ugu yaraan labo jeer bishiiba.
- Kulamada hogaanka jaaliyadda wuxuu ansaxa yahay marka ay joogaan ugu yaraan 50% xubnaha hogaanka jaaliyadda.
- Xubnaha jaaliyaddu waxay kulamadooda caadiga ah yeelanayaan afartii bil mar.
- Usbuuc ka hor waa in xubnaha golaha dhexe la gaarsiiyo goobta, waqtiga iyo qodobada kulanka.
§ 9. Shirweynaha Jaaliyadda
- Shirweynaha jaaliyadda waa sanadle.
- Labo usbuuc ka hor waa in la faafiyaa qabashada shirweynaha jaaliyadda.
- Xubin kasta ee jaaliyadda ka tirsan waa in ay heshaa waqtiga, goobta iyo qodobadda shirweynaha.
§ 10. Hawlaha shirweynaha jaaliyadda
- · Doorashada shir gudoomiyaha.
- · Doorashada Xoghaynta shirka.
- · Doorashada hubiye.
- · Doorashada labo Cod-tiriyayaal
- · Ansaxidda in shirweynahu dhaco.
- · Ansaxidda qodobadda shirka.
- · Dhageysiga warbixinta ku saabsan waxqabadka jaaliyadda sannadkii hore.
- · Dhageysiga warbixin ku saabsan maamulka iyo maareynta hatida jaaliyadda.
- · Xilwareejinta Hogaanka hore ee Jaaliyadda.
- · Xilwareejinta xubnaha golaha dhexe ee jaaliyadda.
- · Doorashada Xubnaha Golaha dhexe ee jaaliyadda.
- · Doorashada hogaanka jaaliyadda.
- · Ansaxinta qorsho hawleedka jaaliyadda.
- · Doorashada guddiga doorashada.
- · Doorashada hantidhawrka.
- · Jaangooynta dhigaalka xubinnimo ee jaaliyadda.
- · Wax ka bedelka xeerka jaaliyadda.
§ 11. Habka goáan gaarista jaaliyadda
Jaaliyaddu waxay yeelanaysaa qaab goáan gaarid oo fududeeynaya habsami u socodka iyo fulinta barnaamijyadda jaaliyadda.
- Jaaliyaddu waxay ku dhaqmaysaa qaabka cod-dheeriga iyo gacan taag marka laga reebo qodobada ku cad xeerka jaaliyadda.
- Qodobada uu hogaanka jaaliyaddu u arko in ay ku haboon tahay in lagu dhaqamo codeeynta qarsoon, kadib marka ay ansaxiyaan guddiga golaha dhexe.
§ 12. Golaha dhexe ee Jaaliyadda
- Jaaliyaddu waxay leedahay gole dhexe oo ka kooban 28 xubnood.
- Ugu yaraan waa in sadexdii meel ay meeli ahaataa dumar.
- Guddiga dhexe wuxuu kulmayaa hal mar bishii, sabtida bisha u danbaysa.
- Waxay talosiiyaan hogaanka jaaliyadda si loo gaaro hadafka jaaliyadda.
- Golaha dhexe waxa uu ansaxiyaa qorshaha uu soo jaangooyey hogaanka jaaliyadda.
- Golaha dhexe wuxuu iska dhexdooranayaa guddi hogaan oo dhan 9 xubnood.
§ 13. Guddiga hogaanka jaaliyadda
- Hogaanka jaaliyaddu wuxuu ka kooban yahay 9 xubnood oo kala ah:gudoomiye, gudoomiye ku-xigeen, xoghaye kowaad iyo mid labaad, lacaghaye kowaad iyo mid labaad iyo saddex xiriiriyaal.
- Waxay la tashanayaan oday-dhaqameedyada iyo aqoontahannada deggan magaaladda Göteborg.
- Hawlahooda dalka iyo dibadda waxay u wakiilan karaan ody-dhaqameedyada iyo aqoontahannada ka soo jeeda Puntland ee deggan magaaladda Göteborg.
§ 14. Hawlaha hogaanka jaaliyadda
- Qorshaynta guud ee hawlaha jaaliyadda
- Jaangoynta iyo hagidda hawlaha jaaliyadda
- Koormeerida habsamiusocodka hawlaha jaaliyadda
- Turxaanbixinta caqabadaha la soo gudboonaada hawlaha jaaliyadda
§ 15. Guddoomiyaha jaaliyadda
- Waa qofka matalaya jaaliyada dhanka gudaha iyo dibadaba.
- Wuxuu hogaaminayaa kulamada guddiga.
- Waa saxiixaha waraaqaha jaaliyada.
- Wuxuu xaqiijinayaa in go’aamaha la gaaray la fuliyo.
- Waa afhayaanka jaaliyadda.
§ 16. Guddoomiye ku-xigeenka jaaliyadda
- Wuxuu diyaar u noqonayaa innuu cawiyo Gudoomiyaha.
- Wuxuu matalayaa maalulaha marka uu maqan yahay ama uu ka dalbado.
§ 17. Lacaghaye kowaad iyo lacaghaye labaad
- Wuxuu mas’uul ka yahay xisaab-xirka dhaqaalaha.
- Wuxuu ilaalinayaa diiwaanka xubnaha.
- Wuxuu mas’uul ka yahay lacag qabashada iyo lacag bixintaba.
- Waa saxiixaha ururka.
- Lacaghayaha labaad waxa uu la shaqaynayaa lacaghayaha kowaad.
§ 18. Xoghayaha kowaad iyo xoghayaha labaad
- Wuxuu soo diyariyaa ajendaha shirar.
- Wuxuu qoraa baratokoolada shirarka golaha dhexe iyo hogaanka jaaliyadda.
- Wuxuu gudbiyaa warbixinada ku saabsan hawlaha ay jaaliyaddu qabato.
- Wuxuu ilaaliyaa , isla markaana kaydiyaa waraaqaha jaaliyada.
- Wuxuu mas’uul ka yahay xayeynsiinta jaaliyada.
- Wuxuu qoraa qorshaha guud ee ku saabsan hawlaha jaaliyadda.
- Xoghayaha labaad waxa uu la shaqaynayaa xoghayaha koowaad.
§ 19. Xiriiriyaal
- Waa iskuduwayaasha guddi hoossadyada.
- Waxay masuul ka yihiin in hawsha guddi hoosaadka loo xilsaaray la fuliyo.
- In uu isku xiro hogaanka iyo guddi hoosaadka.
§ 20. Guddi hoosaadyada
Golaha dhexe ee jaaliyadda wuxu u qaybsamaa saddex guddi hoosaad oo kala ah:
- Guddiga arimaha bulshada.
- Guddiga arimaha jaaliyadda iyo xiriirka jaaliyadaha.
- Guddiga horumarinta iyo mashaariicda.
§ 21. Hawlaha Guddi hoosaadyada
- Qorshayan faahfaahsan ee ku aadan hawlaha guddigu u xilsaaran yahay.
- Fulinta hawlaha guddigu u xilsaaran yahay.
- Qiimeeynta waxqabadka guddiga.
§ 22. Guddiga doorashada
- Guddiga doorashada wuxu ka kooban yahay saddex xubnood. Waxay hawshoodu tahay in ay soo xulaan, soona bandhigaan xubnaha golaha dhexe ee jaaliyadda Puntland.
§ 23. Guddiga hantidhawrka
- Guddiga hantidhowrka wuxu ka kooban yahay labo xubnood. Hawshoodu waa la socodka maamulka dhaqaalaha jaaliyadda.
- Warbixinta ay u soo gudbiyaan shirweynaha jaaliyadda habka loo maamulay dhaqaalaha jaaliyadda.
§ 24. Saxiixayaasha jaaliyadda
- Awooda saxiixa jaaliyadda waxa leh gudoomiyaha iyo lacaghayaha oo wadajir u saxiixa ama labada lacaghaye oo si wadajir ah u saxiixa.
§ 25. Wax ka bedelidda xeerka jaaliyadda
- Shirweynaha jaaliyadda waxa uu leeyahay awood uu wax uga bedelo qodob ama qodobo ka mid ah xeerka jaaliyadda, kadib marka ay qabalaan 2/3 xubnaha shirweynaha ka qaybqaadanaya.
§ 26. Waayidda xubinimadda guddiga dhexe iyo kan hogaanka
- Xubintii ka midda labadaan gudi waxay waayaysaa xubinimadeeda markii sadexmeelood laba meel ay sidaas u codeeyaan.
- Guddigga hogaanku kama qayb qaadanayo xaaladda codbixinta ee iyaga kalsoonida loogu qaadayo si ay u dhan yihiin.
- Waayidda kalsoonida guddiga hogaanku saamayn kuma yeelanayso xubinimadda gudiga dhexe.
§ 27. Waayidda xubinimadda jaaliyadda
- Xubintu waxay waayaysaa xubinimadda jaaliyadda markii ay toos ah u jabiso xeerka ururka isla markaana, sadexmeelood labo kaqaybgayaashii shirka ay u codeeyaan sidaas
- Xubinkastaa xaq ayay u leedahay in si madaxbanaan uga baxdo jaaliyadda, iyadoo codsi qoraal u soo gudbineysa hogaanka jaaliyadda.
§ 28. Baabi’inta jaaliyadda
- Jiritaanka jaaliyaddu wuu baabaàyaa markaa sadex meelood labo meelood xubnaha jaaliyaddu sidaas u codeeyan
- Waa in laba kulan oo ay yeeshaan xubnaha jaaliyadda sidaa la isku raacaa. Labadaa kulan waa in ay u dhaxeysaa afar bilood sida ku cad xeerka jaaliyadda.
- Qodobkan waxa wax looga bedeli karaa oo keliya shirweynaha caadiga ah.
- Haddii ay jaaliyaddu hawl gabto, waxa hantideeda loogu deeqayaa xarumaha aqoonta ee ku yaal Puntland.