PUNTLAND COMMUNITY ORGANISATION

Waxa maanta oo axad ah lagu soo gabagabeeyey barnaamijkii bandhigga buugaagta iyo dhaqanka- codka halabuurka magaalada Gothenburg. Barnaamijkaa oo ka furmay magaalada Gothenburg maalintii jimcaha aheyd oo ay ka soo qaybgaleen  hawlwadeeno swidish ah oo xiiseeynayey dhaqanka ummadda soomaaliyeed. Waxa goobtaa casharro xiiso leh ka soo jeediyey qorayaal iyo abwaano: Prof. Hodan Ciise, Prof.Georgi kapchits, Abwaan Ahmed farah idaajaa, qore Zeinab Dahir, prof.Benny carlson, qore Saciid Cali Shire iyo qore AbdiNoor Mohamed . waxa dadka ka qoslinayey jilaa Khalid Geyre oo daadaheeynayey barnaamijka.

Maalintii sabtida aheyd waxa barnaamijka ka soo qaybgalay dadweyne aad u faro badan oo deggan magaalada Gothenburg iyo nawaaxigeeda. Waxa halkaa sugaan aad loogu bogay ka soo jeediyey Prof. Georgi Chapckits iyo abwaan Ahmed farah Ali Idaajaa. sidoo kale waxa casharo xiiso badan oo ku saabsan doorka dumarka ku leeyihiin mujtamaca iyo muhimadda uu leeyahay afka hooyo  soo kala jeediyey Prof .Hodan Ciise iyo qore Zeinab Dahir. Qore Ali Hussein iyo Qore saciid cali Shire oo iyaga si weyn uga hadlay sida loo kordhin karo ganacsiga soomaalidu ku leedahay wadamada yurub. Abwaan yusuf xasan , abwaan Hurfe cali iyo abwaan casho cuud ayaa sugaan  qiimo badan goobtaa ka soo jeediyey oo ay dadku aad u jecleysteen .

Maanta oo axad ah waxa barnaamijka lagu soo gabagabeey cashar ku saabsan afka soomaaliga oo uu soo jeediyey abwaan Ahmed farah Ali idaajaa iyo sugaan ku saabsan maahmaahyada soomalida oo soo jeediyey prof. Georgi Chapckits. Waxa kale oo goobtaa sugaan ka soo jeediyey Yusuf xassan  iyo abwaan khaliif oo ay dadku aad u jecleysteen . Waxa kale oo goobta lagu soo bandhigey ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeede. Wuxuu barnaamijka ku soo gabababoobay dood wadaag ku saabsan afka iyo dhaqanka soomalida oo ay ka qaybgaleen dhammaan martidii ka soo qaybgashaya barnaamijka.

Hawlwadeenadii jaaliyadda puntland community organisation ee Gothenburg ayaa u mahadcelisay dhammaan martidii iyo dadweynihii ka soo qaybgalay barnaamijka bandhigga  bugaagta iyo dhaqanka – codka halabuurka ee ka socday magaalada gothenburg mudaddii u dhaxeeysay 7-9 bisha juun 2013, una ballanqaaday dadweynihii ka soo qaybgalay inay  qaban doonaan barnaamij ka mug weyn kan sannadka dambe haddii allaha awooda lihi yiraahdo.

Waxa barnaamijka si heer sare ah u daadaheynayey Cabdullahi jurile oo

ka tirsan hawlwadeenada jaaliyadda Puntland community organisation ee Gothenburg.

 

 


 

Halkaan ka daawo sawiro badan

Puntland community organisation ee Gothenburg

 

Comments are closed.