PUNTLAND COMMUNITY ORGANISATION

Puntland Community Organisation ee magaalada Gothenburg ,Sweden oo kaashaneysa hayadda qalabeeynta cisbitaalada ee dalka Sweden iyo wasaaradda cafimaadka Puntland waxay qalabka cafimaadka ugu deeqdeen cisbitaalada ku yaal magaalada Bosaso ee gobolka bari iyo magaalada Baran ee gobolka Sanaag. Qalabkaa cafimaad waxa laga direy magaalada Gothenburg, taariikhdu marka ay aheyd 17 agooosto 2012, kaas oo gaarey magaalada Bosaso 30ka december 2012 uuna daahfurey madaxweynaha dawladda Puntland mudane Dr Abdirahman Mohamed faroole. Qalabkaas oo isku jiro qalab caafimaad oo tiro, tayo fiican leh, sarena u qaadayo adeega cafimaad ee goboladaas. Waxay jaaliyadda Puntland ee magaalada Gothenburg,Sweden mahad gaar ah u jeedineysaa Shirkada Amal Express oo bixisay 20% kharashkii ku baxay rarida qalabkaa iyo shirkada IFtin Express oo iyada ku deeqday 10000 kr iyo Jaaliyadda reer Puntland ee deggan magaalada Stockholm. Jaaliyadda Puntland Community Organisation waxay u diyaargaroobeysaa weji labaad ee mashruucan oo la fulin doono sannadka 2013.

 

Halkaan Ka Daawo Sawirada

Comments are closed.