PUNTLAND COMMUNITY ORGANISATION

Xaflada si heer sare loo soo qabanqaabiyay oo ku saabsan dabaaldegga xuska sanadguurada 52 ee madaxbanaanida gobollada koonfureed iyo midowga gobobaladda konfureed iyo goboballad waqooyi ee dalka Somaaliya ayaa lagu qabtay hoolka wayn Volviahallen ee magaalada Gothenburg ee dalka Sweden maalinta sabtida 30-ka june 2012.

Xafladda waxaa lagu furay ayaado quràan ah. Kadibna waxa kalmado furitaan ah ka soo jeediyey Abdullahi Mohamed Ahmed Jowhar iyo Adan Mohamed oo ka tirsanaa guddigii qabanqaabada xafladda. Heesta astaanta calanka soomaaliya oo dadka oo dhan u wada istaageen, una qiiroodeen ayaa ku xigtay.

Waxaa gabayo qiiro leh oo ay wadanimo ku jirta ka soo jeediyey goobta Abwaan Hurfe iyo abwaan  Hussein Adde.

Fannaaniinta magaalada gothenburg ayaa halkaa heeso wadani ah oo ay dadka aad u jeclaysteen ka qaadayey.

Gabdhii soomaaliyeed ee halkaa buraanbur qiiro leh ka soo jeediyey waxa ka mid ahaa Abwaanada caanka ah abwaan Caasha Cuud.

Marti sharafta qudbada ka jeedisay goobta waxaa ka mid aha Mudane Jaamac Ali Jamac oo ah Musharrax u tartamaayo Madaxweynenimada ee dalka Soomaaliya. Mudane Jaamac wuxuu warbixin dheer ka bixiyay xilligii gobanimadoonka Soomaliyeed iyo marxaladihii kala duwanaa ee wadanka soo maray.

Xafladaasi oo si wadajir ah ay u soo abaabuleen Jaaliyadaha ka tirsan magaalada Gothenburg.

Xiriiriyaha barnaamijka waxaa si wanaagsan u daadihinaysay Wariye Anfac Caddow iyo abwaan Hurfe.
Ugu dambayn waxaa mahad gaar ah loo celiyay dhammaan gabdhihii iyo wiilashii si Soomaalinimo ah  u soo qabanqaabiyay xafladda sana guurada 52ad oo qiimaha leh.

Comments are closed.