PUNTLAND COMMUNITY ORGANISATION

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta qoyska Marwo Casha Gelle Diiriye oo booqatey Göteborgsfolkhögskola ee magaalada Göteborg oo ah dugsi caan ku ah waxbarashada dadban.

Wasiirka waxa halkaa ku soo dhoweeyey madaxa Göteborgsfolkhogskola Lena Iselöw, siyaasiyiin gobolka Västragätaland ee ka kala tirsan xisbiga hantiwadaaga iyo xisbiga folkpartiet oo madax ka ah guddiga fulinta ee Göteborgsfolkhogskola

 

Gudoomiyaha jaaliyadda Puntland community organisation mudane Cabdullahi Maxamed Axmed(jowhar) ayaa ku booriyey in Göteborgsfolkhogskola iyo Gobolka Västragotaland inay gacan ka geystaan horumarinta tacliinta Puntland, gaar ahaan waxbarashada dadka waa weyn. Jaaliyaddu waxay diyaar u tahay inay ka shaqeeyso sare u qaadida tacliinta Puntland iyadoo la kaashaneyso Göteborgsfolkhogskola iyo Gobolka Västragotaland .

 Daawo Sawiro Badan

Björn-erik ayaa warbixin kooban ka siiyey wasiirka taariikhda waxbarashada dadka waa weyn ee dalka iswidhan iyo kaalinta ay kaga jirto horumarka bulshada iswidhan.

 

Clara oo ka tirsan ururka karibu , islamarkaana macalin ka ah Göteborgsfolkhogskola, isla markaana hawlo faro badan ee waxbarasho ka qabatay dalka Tanzania muddo ku dhow 15 sanno ayaa ka warbixisay wada shaqeeynta iyo xiriirka ka dhexeeya 153 development center ee ka jira Tanzania iyo dalka iswidhan.

 

Wasiirka haweenka waxay warbixin ballaaran ka siisay dadaalka wasaradeeda ku jirto si loo horumariyo  tacliinta haweenka Puntland, waxay ka codsatey in Gobolka iyo Göteborgshogskola gacan ka geystaan abuuridda multipurpose center oo ah xarun u qabato dumarka hawlo kala duwan . Goobtaa oo ay dumarku ku  bartaan xirfado, caruurtana loogu xanaaneeyo, isla markaana ay ururada haweenka ku qabsadaan kulamadooda.

 

Siyaasiyiinta ka socday Västragotaland iyo madaxa Göteborgsfolkhögskola waxay ballanqaadeen in ay u guntan doonaan dhismaha multipurpose center.

 

Kulanka waxa ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan.

 

 

Comments are closed.