PUNTLAND COMMUNITY ORGANISATION

Marwo Caasha Geelle oo beryahaan booqasho ku joogtay wadanka Sweden si ay uga qayb gasho kulan aqoonisweydaarsi ah oo ka dhacay magaalada Lund taariikhdu markay ahayd 23-24 bisha September 2011.

 

Shirkaas kadib waxay booqasho ku timid magaalada Gothenburg si ay ula kulanto bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Puntland.

 

Jaaliyadda Puntland Community Organisation ayaa casha sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay ku marti qaaday wasiirka haweenka iyo horamarinta qoyska Pl Marwo Caasha Geelle.

Casha sharaftan oo ay ka soo qayb galeen Xubnaha Guddiga Jaaliyadda,Asaasayaasha,xubnaha Jaaliyadda,aqoonyahaniin iyo marti sharaf kale.

Ugu horeynba sidii caadu ahayd waxaa Aayada Quraan ah ku furay Sh. Cabdiqani Barre Xassan.Intaas kadib waxaa goobta hadalo soo dhoweyn ah ka jeediyay, Cabdullahi Faarax Faahiye,Cabdicasiis Xuseen Xirsi (Berendere),Ayaan Jaamac Nuur,Sahra Biixi,Maxamed Muuse,Cabdiqani Barre Xassan,Sanweyne Faarax,Casayr,Caasha Maxamed Cadde,iyo Cabdirisaaq Afsagaaro.

 

Soo dhoweynta kadib waxaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay dhismaha jaaliyadda iyo wax qabadkeeda Gudoomiyaha Jaaliyadda Cabdullaahi Maxamed Axmed.

 

Intaas kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyay wasiirka oo hadalo kooban oo dhiiri gelin iyo amaan isugu jira u jeeediyay Jaaliyadda Puntland Community Organisation.

Hadalka wasiirka waxaa hadiyad gaar ah gudoonsiiyay Sucdi Khaliif ,Ayaan Jaamac Nuur iyo Sahra Biixi oo ka tirsan xubnaha Jaaliyadda Puntland.

Kulankan oo ku soo idlaaday jawi aad u wanaagsan ayaa maalinta berito ah  waxay la hadli doontaa bulsha weynta Soomaaliyeed ee degan magaalada Gothenburg  iyo agagaarkeeda

 

Sawiro badan: halkan riix


Comments are closed.