PUNTLAND COMMUNITY ORGANISATION

Magaalada Gothenburg ee sweden waxa lagu qabtay xaflad lagu soo dhoweeynayey sannadguuraddii 16 aad ee dhismihii dawlad goboleedka Puntland. Xafladaa waxa ka

soo qaybgalay dadweyne aad u faro badan oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada oo muujiyey qiiro wadaninimo.

Feysal Ahmed oo ka tirsan xubnaha jaaliyadda ayaa ka warbixiyey waxqabadka jaaliyadda Puntland community organisation ee 2014.Martisharaftii halkaa ka hadashay waxa ka mid ahaa imaan Cabdulkadir shoole  oo ka tirsan waxgaradka bulshada reer Puntland oo si weyn ugu dhiirigeliyey dadweynihii ka soo qaybgalay in ka shaqeeyaan wadajirka iyo midnimada bulshada. Suldaan Caweer oo hadal iyo sugaan ku muujiyey waxqabadka dawladda uu hogaamiyo  Prof. Gaas, kuna amaanay mudada yareed ee  ay jirtay iyo heshiisyada wax ku oolka ah ay saxiixday oo Puntland ku horseedi doono horumar waaro.

Dr Abdiasis Hussein Hirsi oo ka tirsan aqoonyahanada bulshada oo halkaa hadalo qiimo badan ka soo jeediyey. Rukiye Hassan iyo Ubah Cabdi oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee jaaliyadda ayaa halmabalyo bogaadin u soo jeediyey dhamman bulshada reer Puntland.

Sidoo xildhabaan Mohamud Salad oo u tartamaya doorashada golaha shacabka ee dalka Sweden ee 2014 ayaa halkaa u soo bandhigay siayaasadiisa ku aadan doorashada, dadweynihiinii ka soo qaybgalayna ay aad u soo dhoweeyeen.

Halkaa waxa wacdaro ka muujiyey dhalinyaro aad u da´yar oo soo bandhiyey cayaaraha hidaha iyo dhaqanka oo aad loola dhacay.

Abwaanada da´da yar oo dadku aadka u jecel yihiin Abwaan Khaliif Faarax Xayir iyo  abwaan Cadbifataax Cali Firdhiye ayaa halkaa ka soo jeediyey sugaan aad loogu riyaaqay. Waxa heeso wadani ka qaadayey goobta  fanaaniinta reer Gothenburg Cabdirisaaq Dhegacade iyo Xassan Waddo. waxaa intaas dheera oo iyana si qurxoon uga qaybqaatay fanaaniin aad u da’ yar.

Hooyo Asli oo ka hooyooyinka jaaliyadda ayaa  si faahfaahsan uga sheekeysay taariikhdii soomaalida oo ay u soo joogtay.

Xafladdu waxay ku soo gabagaboowday jawi aad u sareeya.

Puntland Community Organisation ee Gothenburg, Sweden

 

 

 

 

 

Comments are closed.