PUNTLAND COMMUNITY ORGANISATION

Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gothenburg ,  Munaasabaddan oo lagu xusayay maalinta qaranimada soomaaliya  ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u farabadan oo ka kala yimi dhamaan xaafadaha Gothenburg.

Waxaa sidoo kale goobta ka muuqday, culima’udiin, dhalinyaro, hooyooyin,  abwaano, fanaaniin iyo weliba waxgarad badan oo mug iyo miisaanba ku leh bulshada soomaaliyeed ee ku nool Gothenburg.

Dadkii goobta ka hadlay ayaa dhamaan wada qiray qiimaha ay leedahay munaasabadda 1da luulyo  oo ah maalintii ay goboladii uu telyaanigu haystay gabanimadoodii ka qaateen isla markaasna ay la midoobeen walaalahoodii kale ee iyana 4beri un ka hor ka hoos baxay gumaysigii ingiriiska wuxuuna ahaa habeenkaasi habeen xasuus gaar ah u leh umadda soomaaliyeed waxaana si wada jir ah loo dhidbay calanka soomaaliya.

Dhamaan dadkii munaasabadda soo xaadiray ayaa laga dareemayay qiira wadaninimo iyo weliba farxad deeriya iyadoo ay isugu hambalyeynayeen  qiimaha ay leedahay maalinta 1da luulyo. waxaa goobta munaasabadda laga dareemayay habsami u socod iyo weliba deganaan deeri ah taas oo aad garan kareysey sida wanaagsan ee loo soo agaasimay.

Guntii iyo gabagabadii munaasabadda ayaa ku soo idlaaday jawi degan dhamaan dadkii kasoo qaybgalayna waxay ahaayeen kuwa ku qancay sida ay u dhacday munaasabaddu.

Sawiro Badan Daawo

Comments are closed.